SEIU 925 mudnaanta sharci-dejinta 2022

Markii uu COVID yimid gobolka Washington, shaqaalaha ururka ee daryeelka caafimaadka, waxbarashada, iyo daryeelka carruurta ayaa ku dadaalay si ay u taageeraan bulshooyinkeena. Kuwo badan waxay dheereeyeen heshiisyada ururka shaqaale ee jiray – taasoo la macno ah in mushaarkooda kor u kicin 2021. Hadda, 2022, gobolku waa inuu si buuxda u maalgeliyaa heshiisyada aan gorgortamnay si loo hubiyo in mushaharka iyo faa’iidooyinka ay yihiin kuwa ugu fiican ee soo jiidanaya iyo sii haynaaya shaqaalaha dawladda.

DARYEELKA CARRUURTA

Cudurka COVID wuxuu daaha ka qaaday ficilka dheellitirka jilicsan ay qabaan ganacsiyada yaryar si u socdaan iyo u furnaadaan si ay u taageeraan bulshadeena. Sharci-dejintu waa inay:

  • Oggolaato gorgortanka qorshayaasha hawlgabka: Waagii hore, siyaasiyiinta qaarkood waxay go’aansadeen inay lacag kaydsadaan iyagoo ka hortagaya in adeeg-bixiyeyaasha daryeelka ilmaha ay u gorgortamaan faa’iidooyinka hawlgabka iyada oo loo marayo ururkayaga shaqaalaha, asal ahaan iyaga oo sheegaya in haweenka (gaar ahaan haweenka madow) markii ay shaqada ka fadhistaan is debari doonaan. Ma ahan inay sidan noqoto. Markii ay taageeraan sharciga House Bill 1771 si loo oggolaado qorshe hawlgab wax ku biirin oo qeexan, adeeg-bixiyeyaasha daryeelka ilmaha waxay bilaabi karaan inay lacag u keydiyaan mustaqbalkooda.


  • Sameeyaan xisaab-xirka kabidda oo hufan: Dhammaanteen waxaan rabnaa in si sinnaan leh u shaqeysano si ganacsiyada yaryari ku horumaraan iyo ku taageeraan qoysaska. Nasiib darro, dhammaan shuruudaha hawlgalka ayaa ku qasbaaya adeeg-bixiyeyaasha daryeelka ilmaha oo qoysaska ka helay kaalmo dhaqaale inay wakhti badan u qaataan xiisaabaad maaliyadeed intii ay wakhtigooda u isticmaali lahaayeen fasalka. Sharci-dejintu waa inay fududeeyaan xisaabaadka maaliyadeed ee hay’adaha oo dhan. Tani waxay hoos u dhigi doontaa kharashaadka maamulka ee gobolka waxayna shuruudaha ka dhigi doontaa kuwo si sahlan adeeg-bixiyeyaasha u fahmi karaan iyo u raaci karaan.

DARYEELKA CAAFIMAADKA: Shaqaale ku filan

Isbitaalada Washington oo dhan waxaa ku yar shaqaale, taasoo ka dhigeysa shaqaalaha daryeelka caafimaadka kuwo shaqeeyo saacado badan iyo daryeelo bukaano ka badan. Waa ammaan-darro oo waa wax aan socon karin. Laakiin muddo ka hor intuu bilaabanin cudurkaan faafay ayaa isbitaalada ku yaraa shaqaalaha, taasoo ay sabab u tahay sanado badan oo go’aano dhaqaale awgeeda maamulayaasha isbitaalka maalgelin ku sameynin shaqaale ku filan. Cudurka faafay ayaa ka sii darey gabaabsiyadii horeba u jiray. Hadda waxaan ku jirnaa dhibaato aad u ba’an maadaama shaqaale caafimaad aad u badan oo aan la tirin karin ay ka tageen shaqada sannadkii iyo barkii ugu dambeeyay si ay u raadsadaan shaqo ka ammaan badan, mushaar ka fiican, ama gebi ahaanba ka tagay shaqoyinka noocaas ah. Sharci-dejintu waa inay:

  • Dejiyaan heerar shaqaale oo badbaado leh oo ka ilaaliya shaqaale daryeel caafimaad walba culeyska khatarta sare leh ee bukaanka badan. Tani waxay u ogolaan doontaa inay shaqadooda si badbaado leh u qabsadaan iyo sidoo kaleba waxay bukaanka siin doonaan daryeelka ay u qalmaan.
  • Dhaqan geli sharciyada jira ee ku saabsan saacadaha dheeraadka ah, cuntada, iyo wakhtiyada nasashada. Waxaan u baahanahay inaan hubinno in shaqaaleheena daryeelka caafimaadku ay helaan wakhtiga nasashada ee sharci ahaan u baahan yihiin iyo in isbitaaladu joojiyaan xadgudubka wakhtiga dheeraadka ah ee qasabka ah.

PK-12 DUGSIYADA

Markii dugsiyadu xirmeen bishii Maarso 2020 si looga jawaabo COVID-19, darawallada baska, macallimiinta, iyo shaqaalaha kale ee degmada dugsiga ayaa isku yimid si ay u taageeraan ardayda sameynaayo waxbarashada fog. Hadda, isla shaqaalahaas ayaa ardayda ka caawinaya inay ku guulaystaan waxbarasho lagu qabto deegaan fogaansho ah, oo maaskaro lagu xirto markii la sameynaayo waxbarasho qof ahaaneed – laakiin degmooyinka dugsiyeedka qaarkood ayaan ku dadaalin inay qaybtooda qabtaan. Dugsiyo aad u badan ayaa aan lahayn ilaaliye, baareyaal, darawallo, iyo shaqaale kale oo muhiim ah, taasoo waxyeello gaarsiinayaa awoodda qof walba inay u adeegaan carruurta. Sharci-dejintu waa inay maalgelin ku sameeyaan dhammaan shaqaalaha kala duwan ee degmada dugsiga si loo hubiyo in ardaydu helaan taageerada ay u baahan yihiin si ay ku guulaystaan.


IILAALINTA GOOBTA SHAQADA
Iyadoo aan loo eegin heerkeena dhaqaale, jinsiyeed, ama lab iyo dheddig, waxaan ku heshiin karnaa in dhammaan shaqaaluhu ay xaq u leeyhiin jawi shaqo oo badbaado leh oo aan lahayn dhibaatayn. Faafida COVID-ku waxay iftiimisay sida ay qiimo u leeyihiin shaqaalaha nadaafadda, haddii ay ka shaqeeyaan isbitaal miyiga ah, dugsiga degmada ama dhismaha dheer ee xafiisyada magaalada. Laakiin shirkadaha damaaciga badan waxay dhimeen kharashaadka si ay u kordhiyaan faa’iidada, taasoo keentay xaalado shaqo oo aan ammaan ahayn. Shaqaalaha nadiifinta waxaa caadi ahaan ku dhacay bararka kala goysyada jirka, xanuunka gacanta, murgacashada, murqaha oo feexmo, dhabar xanuun, iyo sheelo kaasoo sabab u ah shaqadooda. Sharci-dejintu waa in ay hagaan Shaqaalaha & Warshadaha si ay u nidaamiyaan naqshadaynta deegaanka shaqada iyo yareeyaan dhaawacyadan laga hortagi karo. 

AWOODDA GURIYEYNTA
Qoysas aad u badan oo reer Washington ah ayaa la halgamaya sidii ay u helaan guri ay degaan.
Guryaha isku cabbirka ah kuma habboono qoysaska aan awoodi karin inay bulshooyinka ay ka shaqeeyaan ka iibsadaan guri.  Maadaama ay ku guul darraysteen inay oggolaadaan guryo ku filan, hoggaamiyeyaasha la doortay waxay kor u riixeen qiimaha guryaha iyo kirooyinka, taasoo waxyeello gaar ah u geystay dadka dakhligoodu yar yahay iyo dadka Madaw, Asaliga ah, iyo Dadka kale ee Midabka leh (BIPOC). Sharci-dejintu waa inay:

  • Hubiyaan in dhammaan kiraystayaasha ay heli karaan iyo awoodi karaan guri ku habboon iyaga iyo qoysaskooda. Tan waxa ku jira in la ansixiyo Xeerka Caddaaladda Guriyeynta, kaasoo ka reebaya mulkiilayaasha in ay u diidaan kireyste iyada oo lagu salaynayo xiridda ama xabsi dhigidda kireystaha ama xubin qoyska ka mid ah, iyo kirada aad u badan kaasoo sababa barakac. 
  • Dib u habeeyaan isticmaalka dhulka iyo sharciyada kala qaybinta kuwaas oo ku qotoma dhaxalkii caddaalad darada isir-ka-sooca oo bulshada uga tagaya inay u nuglaadaan masiibooyinka cimilada.  
  • Wax ka qabtaan sharciyada xadaynta ee ka hortagaya guriyeynta la awoodi karo, cufan, iyo noocyada guriyeynta dhexe ee maqan.  
  • Balaariyaan noocyada guryaha dheeriga ah (ADU) iyo meelaha loo ogol yahay. 
  • Ku daraan jawiga Xeerka Maareynta Kobaca, si aan bulshadeena uga ilaalino daadka, dabka, iyo fiditaanka mustaqbalka. 
  • Ka saaran golayaasha bulshada dheeeraadka ah oo leh awoodda diidmada qayaxan ee go’aamada isticmaalka dhulka ee ka hortagaya abuurista ikhtiyaarrada guriyeyenta. 

Dadka oo dhami waxay xaq u leeyihiin guriyeyn, laakiin nooc guriyeyn la awoodi karo iyo kuwa la heli karo ee loo baahan yahay waligiis laguma xallin karo fikrad ganacsi oo macaash doon ah. Tani macnaheeda waxaa weeye in $400 milyan si degdeg ah lagu maalgelinayo dhismaha guryo cusub oo si qoto dheer loo awoodi karo oo gobolkeena u dhan ah. Washington waxaa ka gaaban ku dhawaad 200,000 oo guri la awoodi karo oo loogu talagalay qoysaskeena dakhliga ugu hooseeya. Maalgelinta heer-goboleedku waa muhiim, sanadka 2022 wuxuu ina siinayaa fursad gaar ah oo lagu xiro farqigan.