Ururkayagu waxa uu Bob Ferguson u taageeraa gudoomiyaha gobolka

Si aad u akhrido fariintan oo Ingiriisi ah, guji halkan
Meel kasta oo aan ka nimaadno ama midabka maqaarkeena, sababtuu ay Washington uu shaqeyso waa annaagu.  Waxaan nahay daaweeyayaal jireed, difaaceyaal dadweyne, bixiyeyaasha xanaanada carruurta, barbaariyayaal, darawallada baska dugsiga, iyo wax ka badan.  Waxaan hubinnaa in ardaydu helaan adeegyada iyo taageerada ay u baahan yihiin si ay u guulaystaan; in carruurtu ay helaan xannaano carruur oo tayo sare leh si ay waalidkood u shaqo tagaan; iyo bukaanada u helaan daryeelka ay u baahan yihiin si ay u bogsadaan.  Shaqadeenu waa lama huraan – ma ahan oo kaliya inta lagu jiray xillig cudurka faafa, laakiin waa maalin kasta.

2024, cod-bixiyayaasha Washington waxay dooran doonaan Guddoomiye Goboleed cusub.  Maadaama aan nahay shaqaale dawladeed, Guddoomiyaha gobolka Washington ee xiga ma noqon doono kaliya qof aan la shaqeyno, wuxuu noqon doonaa hoggaamiyaheena. Hoggaamiyayaasha xubnaha ka ah SEIU waxay baareen su’aalo-weydiimaha musharaxiinta oo way wareysteen, waxayna ku hanweyn yihiin inay taageeraan Bob Ferguson inuu noqdo Guddoomiyaheena xiga.

“Bob Ferguson anigu wuxuu ii yahay musharax cad. Waa dhegeyste wanaagsan, halkii uu ku celcelin lahaa muhiimadda arrimaha, wuxuu lahaa fikrado cad oo ku saabsan tallaaboyinka uu qorsheynayo inuu qaado si uu isbeddel u sameeyo.” – Jessica Malinowski, daaweeyaha shaqada, UW

Bob Ferguson wuxuu aaminsan yahay in aysan jirin caddaalad haddii uusan jirin caddaalad jinsiyadeed.  Markii maamulka Trump uu sameeyay xayiraadda socdaalka Muslimiinta 2017, xafiiska Ferguson ayaa la dagaalamay amarkaas waxaana la ogaaday inuu khilaafsanaa dastuurka.  Wuxuu ka qayb qaatay dagaal lagu guulaystay si loo ilaaliyo DREAMers ayadoo la isku eegay in la tirtiro DACA.  Markii Greyhound iyo Motel 6 ay iskaashanayeen ICE iyo DHS si ay u beegsadaan shirkadaha Hisbaaniga ah si ay u masaafuriyaan, wuxuu qaaday tallaabo sharci, wuxuuna soo celiyay malaayiin reer Washington ah oo la dhibaateeyay, la xiray, ama la tarxiilay.  Wuxuu la dagaalamay mulkiilayaasha oo wada mamnuucay inay guryo ka kireeyaan shakhsiyaadka beegsaday la Dagaalka Maandooriyaha.  Wuxuu guulo ka helay Maxkamadda Sare ee Gobolka si uu u hagaajiyo mushaarka shaqaalaha beeralayda ah wuxuuna la dagaalamay isticmaalka sunta cayayaanka waxyeelada leh iyo kuwa khatarta ah ee waxyeelaya caafimaadkooda iyo badbaadadooda.

“Bob Ferguson waxaa ka go’an in daryeelka carruurta ka dhigo mid waxtar u ah adeeg-bixiyeyaasha iyo waalidiinta marka uu noqdo Guddoomiyaha Gobolka.  Wuu ina garab istaagi doonaa si aan urur xoog leh ka noqonno dhammaan adeegyada daryeelka carruurta.” — Maria Rivera, bixiyaha daryeelka carruurta, Mabton

Xubnaha SEIU 925 waxay sii wadaan inay carruurta u dhisaan aasaas waxbarasho oo adag laga bilaabo dhalashada ilaa qalin-jabinta, laakiin nasiib darro shaqooyinkan ayaa ah kuwo badanaa mushaar yar leh iyo la iska illoobo.  Bob Ferguson wuxuu u dagaalami doonaa mushaarar sare, wuxuu dhimi doonaa caqabadaha hortaagan maalgelinta dugsiyada dadweynaha ee loo siman yahay, wuxuuna taageeri doonaa heshiisyada gorgortanka wada jirka ah ee gobolkeena oo dhan.

“Bob Ferguson wuxuu khibrad u leeyahay la shaqeynta, dhageysiga, iyo taageerada shaqaalaha, qiyamkiisuna wuxuu la toosan yahay qiyamka SEIU kaasoo ah  abuurista bulsho cadaalad iyo bini’aadantinimo leh.” –Amanda Pirog, Laybareeri, UW

AG ahaan, Ferguson wuxuu si dhow ula shaqeeyay SEIU si loo gaaro guulo waaweyn oo lagu ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha iyo ururka shaqaalaha.  Wuxuu iskaashi la galey ururradeena si uu macluumaadka shaqaalaha ka ilaaliyo Freedom Foundation; ansixiyo sharciga xuquuqda shaqaalaha wadaniga iyo sameynta sharci dalka ku cusub ee kaalmo maaliyadeed siiyaa daryeelka isbitaalka.  Wuxuu la shaqeeyay SEIU 6 si uu cadaalad u helo shaqaaleyaasha nadaafadda ee soogalootiga ah oo ay ka faa’iidaysato shirkadaha adeega nadaafadda ka shaqeeya sababo la xiriira aqoontooda yar ee af Ingiriisiga.

“Bob Ferguson waa qofka ugu diyaarsan inuu noqdo Guddoomiye goboleed.  Wuxuu khibrad uu u leeyahay inuu hoggaamiyo gobolkan oo uu ka dhigo mid annagu inoo shaqeeyo”. –Erin Smelser, barbaariye, Degmo Dugsiyeedka LaCenter

Maadaama uu ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud, Bob Ferguson wuxuu la xisaabtamay shirkadaha wayn.  Wuxuu ka soo kabsaday in ka badan bilyan doolar shirkadda daawoyinka ee Purdue Pharma iyo silsiladaha farmashiyayaasha, kuwaas oo huriyay dhibaatada opioid-ka, kaasoo horumarisay adeegyada daaweynta ee Washington.  Wuxuu difaacey dimoqraadiyad hufan markii ururyada ganacsi oo ay ku jiraan Koka Koola, Pepsi, iyo shirkado kale oo caalami ah ay isku dayeen in ay qariyaan maalgelinta ay ku sameyeen musharaxiinta.  Xafiiskiisu wuxuu hormuud ka ahaa cusboonaysiinta ciqaabta lacag ka goosiga mushaarka, iyo wuxuu tallaabo sharciyeed ku soo oogay dambiilayaasha.

Waa lagama maarmaan in qof aan isbahaysi la nahay ku lahaanno xafiiska Guddoomiyaha, qof fahmaaya muhiimada shaqada ay qabtaan xubnaha SEIU 925 oo hubin doona in codkeena laga maqlo miiska.  Diiwaanka Bob Ferguson markuu ahaa AG wuxuu muujinayaa inuu yahay musharraxa ugu fiican ee inoo dagaallami doona sida Guddoomiyeheenna xiga ee gobolka.  SEIU 925 waxay ku hanweyn tahay inay taageerto Bob Ferguson si uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka.